Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Xanafle Oo Kasoo Yeedhay Boqor burmadow.
November 23, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan ee salka ku haya Komishanka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, waxaanu ugu baaqay inuu ka dheerado Siyaasada, iyo in aanu kala jeclaysan Beelaha, isla markaana aan la adeegsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay umaddani sharci bay ku joogta, shuruucda Dastuurka ku qoran haddii la burburiyo dhibaato ayaa ka dhalan karta, ee Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay shuruucda ha noo ilaaliyaan oo Shacbiga danahooda ha noo ilaaliyaan, oo Sharciga ha ku kala baxaan”