Hal Qof Oo Ku Dhintay Roobab Ka Da,ay Deegaanada Xeebaha Woqooyi Bari Ee Gobolka Sanaag Iyo Xildhibaano Ku Baaqay Gurmad Deg Deg Ah
November 24, 2019 - Written by Berbera Today
Sanaag(Berberatoday.com)-Roobab laxaadle oo ka da,ayay labadii maalmood ee udanbeeyay deegaanada xeebaha waqooyi ee gobolka sanaag ayaa sobobay khasaare naf iyo maalba leh kuwaasi oo inta la og yahay uu ku dhintay Hal qof.

Qaarkamid ah xildhibaanada golaha deegaan ceerigaabo ayaa ka hadlay khasaaraha ay sobobeen roobabkani oo iskugu jira dad iyo xoolaba
Xildhibaanad ayaa xukuumada iyo haayadaha gargaarkaba ugu baaqay in ay deegaanadani la soo gaadhaan gar gaar deg deg ah