Akhriso Qisada”Hooyo Gabadh Yar Oo Ay Dhashay Iibisay Kuna Beddelatay Gaadhi Duug Ah !
November 25, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Ciidammada ammaanka ee gobolka Carolina-da waqooyi ee dalkaasi Maraykanka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen saddex qof oo la sheegay in ay ka mid tahay haweenay gabadh yar oo ay dhashay qoys kaga beddelatay gaadhi qadiima ah.
Hooyadan ayaa waxa magaceeda la yidhaa Alice Todd waxa aanay da’deedu tahay 45 jir waxa aanay gabadh yar oo ay dhashay oo ay da’deedu tahay 2 jir ay ku beddelatay gaadhi nooca loo yaqaano Plymouth Laser Ah oo soo baxay sanadkii1992kii isla markaana qadiim ah.