Maxkamad Ku Taala Gobolka Maryland Ee Mareykanka Oo Xoriyadooda Ucelisay Sadex Maxbuus Oo Mudo 36 Sanadooda Uxidhnaa Dil Aanay Geysan
November 27, 2019 - Written by Berbera Today
Maryland(Berberatoday.com)-Maxakamad ku taala Gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa usheegtay in maanta laga bilaabo ay xor yihiin Sadex Maxbuus oo kala ah Alfred Chestnut, Ransom Watkins iyo Andrew Stewart oo mudo 36 sandooda uxidhnaa dil aanay geyasan kaas oo Gobolka Maryland ka dhacay sanadii 1984 kuna saabsanaa wiil dhalinyaro ah oo La dilay laguna eedeeyay dilkiisa iyaga si khaldana loo xukumay xadhig ah Xabsi Daayin ama madaa haku furto oo ah in jeelka ku waaro kuna dhinto.
Ragan maanta la sii daayay ayaa ahaa 16 sano jiro xiligii ay xabsiga galeen waxaana sii doontooa sabab u noqday 3 makhraati oo cadeeyay in ninkii berigaas dilay ninka ay dilkiisa kuu eedaysnayeen uu ahaa nin dhintay sanadkii 2002dii.
Inkastoo laga raali geliyay khaladka lagu sameeyay balse hadana waxaa isweydiin leh magdhaaw intee leg ayay helikaraan.
Si kasta oo magdhaw lacageed loo siiyo hadana marnaba uma soo noqonayo waqtigii macanaa ee kaga lumay xabsigu.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Iyaga oo La Soo Daayay oo Qoysaskoda La Farxaya lana Qaabilay Mudo 36 Sanadooda Kadib