Turkiga Oo Madaxweynaha Faransiiska Ku Eedeeyay Inuu ‘Maalgaliyo Argagixisada’
November 29, 2019 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com0-Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron inuu “maalgaliyo argagixisada”, wuxuuna gaashaanka u daruuray dhaleeceyntii uu hoggaamiyaha Faransiisku u jeediyay weerarka ay Ankara ku qaadday gudaha Suuriya.
Mevlut Cavusoglu ayaa warfidiyeenka u sheegay in Mr Macron uu doonayay inuu noqdo hoggaamiyaha Yurub, balse “uu marba dhinaca u boodayay”.
Bishii lasoo dhaafay, Mr Macron ayaa martigaliyay sarkaal sare oo ka tirsan xoogagga ay kurdiyiinta hoggaamiyaan ee Suuriya(SDF).
Turkiga ayaa garab ka mid ah ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo YPG u aqoonsan dhaqdhaqaaq argagixiso ah.
Galinkii hore ee maanta oo Khamiis ah, Mr Macron ayaa sheegay inuu ku saxnaa hadalkii uu saddex isbuuc ka hor ku sheegay in isbahaysiga Nato uu yahay “mid maskaxda ka dhintay”.
Wuxuu sheegay in dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga ay u baahan yihiin “inay hurdada ka kacaan”, maadaama aysan ku dhaqmeynin xeerarkii muhiimka ahaa ee la dajistay.
Macron wuxuu sidoo kale dhaliilay sida ay Nato ugu guuldarreysatay inay ka jawaabto gulufkii uu Turkigu ku qaaday xubin ka mid ah Nato – oo ah xoogagga ku sugan waqooyiga Suuriya.