Wargayska Capital Oo Sheegay Inay Somaliland Ku Taamaysa Boqolkiiba Soddon Baddeecadaha Kontiinarrada Itoobiya Kasoo Degaan Dekeda Berbera.
November 30, 2019 - Written by Berbera Today
Adis-Ababa(Berberatoday.com)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa doonaysa in Boqolkiiba Soddon Shixnadaha Kontiinarrada Itoobiya ay ka soo degaan dekedda Bebera, iyadoo uu kala badh wejigii hore ee Casriyeynta Dekeddu Dhammaatay.
Wakaaladda Wararka Somaliland Ee SOLNA, ayaa soo Xigatay Warbixin Uu Dekedda Berbera ka qoray Wargeyska Capital oo ka soo Baxa Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Cabdilaahi u Xaqiijiyey Wargeyskaas in casriyeynta marsadda Berbera la dhammaystiri doono Bisha October 2021ka.