Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Somaliland Oo Xil Looga Magacaabay Soomaaliya
December 1, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Bulshada ku nool Somaliland ayaa u dhagtaagaysa isla markaana naawilaysa warar ku saabsan sidii ay wax uga ogaanlahayeen mid ka mid ah saraakiisha ciidanka qaranka somaliland oo dhawaan tagay magalada muqdisho ee maamulka soomaaliya halkaasi oo xil looga magacaabay.

Askarigan oo ka tirsanaa ciidanka qaranka somaliland ayaa ka mid ahaa saraakiishii wakhtiga dheer lagu soo tabcayay ee mudada todobada sano ah waxa ku baranayay dalka Itoobiya gaar ahaa kuliyadaha culuunta ciidamada, intii uu ku jiray tobobarka waxa uu qaatay bilad dahab ah sidoo kala kaalinta labaad ayuu u galay ciidamadii kala duwanaa ee ay wax-wada baranayeen waxnu dhamaystay darajada heerk labaad ee jamacada (Master).