Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu Jira Ka Gaystay Xeebaha Somaliland
December 8, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Roobab dabaylo wata ayaa khasaare kala duwan ka gaystay xeebaha Somaliland bari ilaa galbeed.
Waxa la shaaciyay haatan in hal qof uu ku dintay, 18 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen dabaylaha iyo daadadka sida oo kale tiro xoolo ah iyo in ku dhow 11 guri ayaa la sheegay inuu iyagana badhna qaaday badhna dumiyay.
Wararkan oo hordhac ah ayaa la filayaa in khasaaruhu uu intan ka sii bato, waxaana maalmahan laga digaayay duufaano ku dhufan doono maamul gobaleedka Puntland isla markaasna soo gaadhi doono xeebaha Somaliland, kaas oo hada bilaabmay.