“Wax Is Qabanaya Maaha Dal Aqoonsi Raba Ayaan Ahay, Haddana Arimahayga Guddaha Xalin Maayo”Xil Obsiiye.
December 8, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ku baaqay in laga koro oo laga ilbaxo muranada siyaaseed ee soo noq-noqda, waxaanu ku taliyey in wax kasta oo la isku hayo xalka ugu haboon laga gaadho, xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ku waajahan Komishanka Doorashooyinka ee Goluhu ka tirsan yahay dhawaan uu ansixiyey.
