Wargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Doorashada Baarlamaanka Somaliland Ee Dib U Dhacday
December 9, 2019 - Written by Berbera Today
HArgeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska The East African oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay oo axad ahayd warbixin ka qoray dib u dhaca doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland, waxaanay sheegeen in doorashada Baarlamaanka Somaliland muddo dhaaf tahay muddo 14 sannadood ah.
Wargeyska The East African wuxuu sheegay in doorashada Baarlamaanka dib loo dhigay ilaa 2022ka, iyadoo doorashadii ugu dambeysay ee Baarlamaanku Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2005tii. Waxa kaloo wargeysku tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u qabato doorashada Madaxtooyada,waxaanu iftiimiyey in khilaafka ka dhashay Komishanka cusub ee doorashooyinku uu sababay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.