Xildhibaan Katirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Oo La Sheegay Inuu Weerar Gacan Ka Hadala Ku Qaaday Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Iyo Waaran Qabasho Loo Jaray Xildhibaanka
December 9, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Warar Xogogaala oo Warbaahinta Madaxa banaani heshay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan oo Xafiiskiisa Ku Sugan maanta Uu Weerar Af iyo gacanba gaadhay ku qaaday Xildhibaan Cali Cabdi Dheere oo katirsan Xubanaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera.
Xogta aanu helay ayaa sheegaysa in dagaalka Xildhibaanku ku qaaday Gudoomiyaha uu ka dhashay kadib markii Sida La sheegay Arin u watay Xildhibaanku uu ka Diiday badhasaabku kuna tilmaamay mid aan suurgal ahayn arintaas oo aan la cadayn waxa ay La xidhidho ayaanu iskudaynay inaanu Gudoomiyaha Gobolka Eng Axmed Cismaan Xasan Iyo Xildhibaan Cali Cabdi Dheere ba wax ka weydiino si aanu xog rasmiya dhacdadan uga helo hase yeeshee noomay suuragalin inaanu Jawaab saxa ka helo Labada dhinacba,