Ergadii Dhex Dhexaadinta Khilaafka Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Aan Wali La Kulmin Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Sababta Uu Uga Muquurtay!
December 10, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergadii dhex dhexaadta Khilaafka xisbiyada Mucaaridka iyo xukuumada soo kala dhexgalay Ee ka koobnayd Ganacsato iyo Culimo Awdiin ayaa wali wax kulan ah la yeelan Madaxwayne Muuse Biixi oo ay la balansanaayeen in ay kulmaan Axadii lasoo dhaafay, taasi oo aan wali la shaacin sobobta uu u baaqday kulankoodii iyo waxa madaxwayne biixi uga muquurtay la kulanka ergada isku xil qaatay xal uhelida khilaafka xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada oo salka ku haya xubno kamid ah komishanka dhawaan la ansixiyay islamarkaana la wareegay xilkii komishanka qaranka,Gudoomiyena Udoortay midka mid ah xubnihii muranka labada dhinac xudunta u ahaa.