berberatoday.com
Maamulka Wakaalada Biyaha Berbera Oo La Tacaalaya Dayactirka Beeb Biyood Mihiima Oo Jabay
December 12, 2019 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Maamulka Wakaalada Biyaha Berbera Iyo Hawl Wadeenada Farsamada Gacanta Ayaa Saaka Subaxnimadii Bilaabay Dayactirka Beeb Biyood Weyn Oo Qadiima Oo Jabay Biyihiina Sii Daayay Beebkan Oo Biyaha Siiya Xaafadaha Hoose Ee Magaalada Berbera Sida Daaroole.Barwaaqo Iyo Xaafada Xudhuunka Ayaa Jabniinkiisa Loo Sababeeyay Gabaw Iyo Xili Hada Laga Joogo Nus Qarni Oo La Dhigay Isticmaalkiisana La Bilaabay
.
Farsama Yaqaanada Wakaalada Ayaa Sida Sawiradan Idiinka Muuqata La Tacaalaya Hagaajinta Beebk Bulshada Reer Berbera Mihiimka U Ah oo Jabniinkiisu Sababay In Guud Ahaan Biyihii Magalada Soo Galaayay La Hakiyay Ilaa Inta Lagu Guulaysanayo Dayactirka Beebka Qadiimka Ah ee Jabay Oo La Filayo Ilaa Sacadaha Soo Socda In Lagu Guulaysto Dhamaystirkiisa Sida Ay Noo Sheegin Hawl Wadeenada Farsamada Ee Wakaalada Biyaha Berbera Mar Aan Saaka Goobtaas Hawshu Ka Socotay Tagay .

Maareyaha Wakaalada Biyaha Berbera Saleeban Cabdi Looliye Dawlad Abdi Looliye Oo Aanu Goobta Hawshu Ka Socoto Kula Kulanay Ayaa Isaguna Sheegay Inay Ku Dadalayaa Sida Ugu Dhakhsiyaha Badan Inay Uhagaajiyaan Beeb Biyoodkan Jabay Shaqalaha Farsamada Gacantuna Aanay Ka Rawixi Doonin Ilaa Inta Hawshaasi La Dhamayno Si Biyaha Loogu Soo Daayo Magaalada Oo Ay Hada Ka Xidhan Yihiin Waxa Kaloo Uu Maareeyuhu Sheegay Inuu Bulshada Reer Berbera Ka Raali Galinayo Hakad Biyaha Ku Yimi Oo Sababteedu Tahay Mid Looga Maarmi Waayay In Biyaha Laga Xidho Magaalada Si Hawsha Hagaajinta Beebku
Ufududaato.
Sida Aad Taswiirtan Ka Arkaysaa Biyihii Beebka Ku Hadhay Oo Aad Ubadan Ayay Farsama Yaqaanada Wakaaladu Mishiino Kaga Nuugayaan Halka Beebku ka Jabay Oo Gud Dheer Noqotay.
Beebabka Biyaha Siiya Magaalada Berbera Ayaa Intooda Badan Yihiin Kuwo Qadiima Oo Xiliyo Hore La Dhigay Oo Gabobay Una Baahan In La Bedelo Inkastoo Bedelkoodu Ku Kacayo Maaliyad Lacageed Oo Badan Hadana Waa Waajib Saaran Qaranka Iyo Maamulada Dawlada Ee Gobolka Saaxil In Layska Kaashado Sidii Loo Bedeli Lahaa Keyd Biyooda Weyna Magaalada Looga Samayn Lahaa Maadama Oo Aanay Magaalada Berbera Lahayn Keyd Biyood Hadiiba Ceelasha Biyaha Ciladi Ku Timaado Maagaladuna Waa Magaalo Xeebeed Aan Biyaha Saacad Laga Maarmi Karin Inkasta oo hada Lagu Jiro Jiilaal Qaboobe ah..
Shacabka Reer Berbera AyaaIyaguna Intooda Badani Aan Guryohoodu Lahayn Keyd Biyood Ay Kaga Maarmaan Biyo la,aanta Hadiiba Ay Ciladi timaado waxaanay Intoobada Badani Biyaha Toos Uga Isticmlaanaa Qasabadaha Waxase jira Kuwo Foosto Kooban Iyo Taagiyo Yaryra Biyaha Ku Shubta oo aan wakhti Badan haynayn.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews