Akhriso”War Muriyeed Laga Soosaaray Shirkii Isbedelka Cimilada Aduunka Oo Qabtay Madrid Iyo Baaqa Oxfam!
December 16, 2019 - Written by Berbera Today
Madrid(Berberatoday.com)-Waxa Magaalada Madrid Ee Dalka Spain ku soo Gabagaboobay Shirkii laga Arinsanayey Isbedelka Cimilada aduunka, kaasi oo lagu lafa gurayey sidii xal waara looga gaadhi lahaa arintaasi. Hay’adda Oxfam oo ka hawl gasha in ka badan 90 waddan oo dunida ah isla markaana ka mid ah dhaqdhaaqyada caalamiga ah ee u ololeeya ka hor taga isbedelka cimilada ayaa Xafiiskeeda Hargeisa war ka soo saartay war muriyeed ay arintaasi kaga hadlayso. Wuxuna udhignaa Sidan
War Murtiyeed. 13.12.2019;
Shirwaynihii lagaga Arinsanayey isbedelka cimilada (C0P 25) ee 2 – 13 December ka qabsoomay magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa waxa uu ku soo dhamaaday natiijo aan fiicnayn. Dowladahii ka qayb galay shirkaasi ayaa waxa laga rajeynayey in ay la imaadaan qorsheyaal rasmi ah oo xal loogu raadinayo isbedelka cimiladda ayaa waxa ay isku af-garan wayeen arimo la xidhiidha xaga farsamooyinka iyagoo iska dhaga tiray baqyadii ay shacabku soo jeedinayeen bilihii u dambeyey.