Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Xuquuqdii Shaqaalenimo Uga Soo Qaaday Meheradii Ay Tacdiga Kala Kulantay Hooyadii Shaqaalaha Aheyd Ee Baraha Bulshada Lagu Faafiyay
December 17, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirada Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaani Ayaa Maanta Xuquuqdii shaqaalenimo uga Soo Qaaday Meheradiin ay ka shaqaynaysay ee laga eryay Hooyo Ayaan Cabdiraxmaan Warsame oo Maalmihii Udanbaysaye Aad Loogu Hadal Hayey Baraha Bulshadda Wasaaradda Shaqadda Ayaa uga Qaaday maamulka Meheradaas Lacag Xuquuqeed oo Dhan $990 Mudadii Ay Ka Shaqaynaysa Meheradda Cabashadu Uuga Timid ee Laga Eryay.
Hooyadani oo ah Danyara ayaa Baahideeda shaqo la,aaneed ka jawaabay Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Cabdikariin Axmed Xinif oo siramiya ushaqaaleeyay maalintii shalay isaga oo markii uu baraha Bulshada ka arkay dhacdadan tacdiga ah dalbaday in hooyadaas loo keeno si uu ushaqaaleeyo.