berberatoday.com
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dib-U-Eegis Ku Samaynaysa Heshiiskii Internet-ka Ee Fiber-Ka SOMCABLE
December 17, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegtay in dib loo eegayo Heshiiskii xukuumaddii hore kootada ugu xidhay shirkadda Somcable inay dalka keento Internetka Fiber Optic-ga.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-ga ee Somaliland Cabdiwali Sheekh Suufi oo waraysi siiyey telefishanka Horyaal24, ayaa sheegay in wasaaraddiisu dib u eegayso heshiis xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo shirkadda Somcable ruqsad ugu siiyey inay dalka Keento Internetka Fiber-ka.

Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi” “Horta arrinka Cable-ku wuxuu ku yimi heshiis wasaarada iyo shirkad ka mid ah shirkadaha ay 25 sanno ku heshiiyeen in adeega u qabato wasaaradda. Arrinka Cable-ka wasaarada ayaa leh sharci ahaan, xitaa markaad eegto xeerka is-gaadhsiinta wasaaradda. Laakiin wasaaradda ayaa u igmatay, kadib wuxuu maray wareegto Madaxweyne xeer baarlamaan-baanna lagu ansixiyey. Ka wasaarad ahaan waxaannu ku samayn doonna dib-u-eegis, laakiin heshiiskii wasaarada iyo Cable-ku way jirta.”Ayuu yidhi Cabdiweli Sheekh Suufi

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in sannadkan cusub bilowgiisa la isu-xidhi doonno khadka telefoonadda“Laba jeer baa la isu-dayay oo labaddii jeer-baa kolay way istaageen, xeerka ayay ku qorantahay xeerka is-gaadhsiinta ee xeer lambar 50 ee 2011-ka soo baxay in isku xidhka shirkadaha is-gaadhsiintu yahay waajib. Xeerku laakiin wuxuu sheegay maba’diidii guud, annaga oo taa ka dhaqaaqaynaa waxaannu samaynay xeer nidaamiyaha isu-xidhka shirkadaha is-gaadhsiinta, marka wuxuu soo baxay dhawr bilood ka hor, marka farsammo ahaan siddii la isugu xidhayay ayaannu shirkadaha ka wadda-shaqaynaynay oo ay ku qas-banyihiin oo waxaannu ku tallo-jirnaa bilowga sannadka soo socda inay hirgasho”Ayuu Cabdiweli Sh. Suufi

Xigasho Wargeyska Warsugan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews