Daawo Muuqalka”Waftigii Beesha Caalamka Oo La Kulmay Madaxweyne Muuse Biixi
December 19, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.