Somaliland Oo Muqdisho Udirtay Culimo Iyo Ganacsato Sida Lacag Kaalmo Ah Oo Loogu Talagalay Fatahaadii Webiga Beledweyne Dadkii Ku Barakacay
December 21, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukumada Somaliland, Culimada Iyo Ganacsatada oo iskaashanaya ayaa maanta wafti u dirtay magaalada Muqdisho kuwaasi oo sida in ka badan lix boqol oo kun oo dollar ($600,000)Dollar oo ay ugu talo-galeen fatahaadihii Webiga ee sannadkan ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta maamul goboleedka Somaliyeed ee Hirshabeelle.
Weftiga waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo horeyna uga mid ahaa waftigii ay Somaliland u dirtay Muqdisho wakhtigii ay abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya
