berberatoday.com
“Guddida Farmaajo Magacaabay Waa Hadhaaggi Siyaad Barre……”Eng Faysal Cali Waraabe
December 25, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay siyaasada Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia ayaa sheegay in Farmaajo aanu daacad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somalia, waxaanu xusay in ajandihiisu yahay fikradii rajiim Siyaad Barre uu wato, isla markaana diyaarado haddii ay wakhti xaadirkan haysan lahaayeen u Somaliland duqayn lahaa.

Gudoomiyaha Ucid waxa uu sidoo kale tilmaamay in guddiga wada hadalada ee uu Farmaajo iska magacawday inay ku jiraan xubno Somaliland ka soo jeeda, kuwaas oo uu sheegay inaan Somaliland aanay horfadhiisan doonin xubnahaasi Somaliland-diidka ah

Eng Faysal Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay waraabinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sidoo kale gaashaanka ku dhuftay shirka loogu  magac bixiyay madasha aragti wadaaga ee Jabuuti ka dhacay inuu afduubtay madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horayn isaga oo ka hadlaya arrimahaasi oo dhinacyo badan taabanaya  “Waxa weeye anagu mawqifkaee ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, horta anagu waa mide dawladan hada (Soomaaliya) la kulmi mayno.Waxa weeye Maxamed Siyaad Barre 1998kii ayaa Talyaaniga iyo Masaaridu ay damceen inay isku keenaan SNM-ta iyo Maxamed Siyaad Barre, marka dibada ayaa la joogay oo wali haglanku wuu socday, waa la diiday.Yacnii Maxamed Siyaad wuxuu ku kacay qof Soomaali ah oo ku kici lahaa may jirin ee ummada xasuuq oo reer dhan aan dabar-gooyo oo dayuurado aan la dhaco dee dhalinyartiinan imika sheekay idinku tahay, isma lahayn qof Soomaali ah ayay waxaasi ka suurto-galaysa.”Ayuu yidhi Faysal waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “Maantana waxa weeye Farmaajo iyo ciyaalkan uu ka soo urursaday dibada uu keenay Muqdisho, fikradii Maxamed Siyaad Barre ayuu wada, cadaawadii ayuu wada oo maanta isagu diyaarado ayuun baanu haysane, markaa tabtii adeerkii buu u socda oo Muqdisho ku wada, inagu inala jecel yahay arrimahaasi.Markaa horta nin lala fadhiisto oo garanaya qiimaha ay Somaliland leedahay taariikhdeedii inuu dal ahaa dal ku darsanay oo midow sameeyay, midowgiina uu baaba’ay oo ninkaasi waxa uu ku sheekaynayo, waa reer yar oo Isaaqa oo cadhaysan oo Aloore aanu doonayno inaanu xaal siino waxaasu ku hadlaa baa la yidhi”

Gudoomiyaha xisbiga Ucid mar la waydiiyay inuu Farmaajo magacaabay guddida Somalia u matalaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ma is leedahay guddigaasi wax bay ka badalayaan wada hadalada, waxa uu kaga jawaabay “Wuxuu ku soo daray nimam Somaliland, maxaanu ina Jaamac Jangeli isku sheegayna? ma waxaanu isku haysana Sool iyo Sanaag, laba dal bay kala ahaayeene.Muxuu ii sheegi kara Cabdiraxmaan Guulwade waa ninkii Booliska haysatay ee Guulwadayaasha haystay ee qaybta ka ahaa markii la xasuuqayay Somaliland, muxuu ii sheegi karaa, waa hadhaagii Maxamed Siyaad barre oo la fadhiisan mayno”Sidaa ayuu yidhi Faysal

Mar uu ka hadlayay aragtidiisa ku wajahan shir wakhti xaadirkan ka dhacay Jabuuti ee ku saabsana waxa loogu  yeedho shirka madasha aragti wadaaga ee ay ka qaybgaleen xisbiyada mucaaridka, ayaa sheegay in kulankaasi uu afduubtay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxanu yidhi “Waxaanu ku heshiinay markii hore qoladii hay’adii hagaysay shirka inaynu wada qabano aniga iyo hay’adeena APD wada qabtaan, Hargeysa lagu qabto, dadka imanaya aynu isla eegno tiradooda iyo dadka ay yihiin.Laakiin waxa weeye niman-kaasi ma daahirayaan oo waligood-ba waxaad kula heshiiso ma qabanayaan, sidoo kalena Ismaaciil Cumar Geelle wuu afduubay sidii uu u afduubay shirkii sanadkii 2000 ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal balanqaaday inuu gogosha halkan dhigo (Hargeysa), oo Jabuuti u afduubay Carta ayuu maantana ina Geelle u afduubay.Markaa ka Somaliland ahaan inaynu badheedhaheena gaysano meesha Soomaali iskugu timaado, waxeenu waa cadaan oo kiiskeenu waa arrin weyn, marka dawladu inay ka qaybgasho ayay ahayd, oo shan Soomali ah bay ahaayeen,  marka inaga oo calankeena sidana aynu isla fadhiisano waayo waxa socday kuwii NFD, kuwii waxa socday Kililka shanaad, waxa socday Jabuuti-dii yarayd,  Soomaaliya jirtay, laakiin ka danbe (shirka danbe) ayaynu Hargeysa ku qaban insha allaahi”  

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews