Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Xadhiga Siyaasiga Ramaax Cali Hayste Oo Degmada Sheekh Ka Dhacay
December 27, 2019 - Written by Berbera Today
Sheekh(Berberatoday.com)-Degmada Sheekh oo katirsan Gobolka Saaxil waxa Ka dhacay Maanta Mudaharaad shacabka halkaasi ku dhaqani kaga soo horjeedaan Xadhiga Xukumadu xidhay siyaasi Maxamud Cali Saleebaan Ramaax oo maalintii shalay Lagu xidhay xarunta C.I.D Hargeysa.
Mudaharaadkan oo ay badiba shacabka degmadaasi isugu soo baxeen jidka weyn ee magaalada dhexmara ayaa waxa ku gubeen taaiyiro iyaga oo dhagxaana ku xidhay wadada.
Mudaharaadkan oo dad goobjoog ahi noo sheegen inuu mudo socday ayaa waxa uu sababay in gaadiidkii jidka marayaayay hakad galo ka hor intii aanay ciidanka Booliska degmada sheekh si nabada uga hawl galin joojinta Mudaharaadkaas oo ay ku guulaysteen inay kala dareeriyaan dadkii laamiga xidhay ee taayiradana ku gubay.