“Dawladda Muqdisho Waxaan Leenahay Wali Waanu Xasuusanahay Wixii Ina Kala Gaadhay…..” Suldan Maxamed Cabdiqaadir
December 28, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay iska ilowdo midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inay reer Somaliland weli xasuusanyihiin dhibaatadii iyo xasuuqii loogu gaystay midnimadaas.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliya weynu kala tagnay,maantana waxaynu kala nahay laba dal oo jaar ah, oo kala dawlad ah, oo kala duwan, oo kala qorshe ah, haddii aynu wada hadlanayna waxaynu ku wada hadlayna laba dal oo la kala yidhaahdo Somaliland iyo Somaliya, balse kuma wada hadli karno Maamul iyo Dawlad,Dawladda Muqdisho ka talisaa waa ku gef inay Somaliland maamul ku sheegto, waana u ayaan daro inay inkiraan dawladnimadayada, Dawladda Muqdisho waxaan leenahay wali waanu xasuusanahay wixii ina kala gaadhay midnimo dambe ma jirto ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah,xasuuqii dadkayaga loo geystay, iyo cadaadiiskii nala baday niyadaydaa kamay bixin ee ka baxa riyada aad ku jirtaan, ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah, dawladnimo dambe oo inaga dhexeeysanaysa ma jirte”.