berberatoday.com
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maalintii Labaad Jooga Xarunta Gobolka Salel Ee Saylac Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
December 30, 2019 - Written by Berbera Today

Saylac(Berberatoday.com)-Waftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ee ku sugnaa Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel islamarkaana kormeeray mashaariicda maamul daadejinta ee JPLG ayaa shalay kormeer indho indhayn ah kusoo sameeyey dhismayaasha laga fuliyey mashruucaasi. sidoo kalena waxa uu dhagax dhigay dhismayaal cusub oo isugu jira Waddooyin, dayactirka xarunta Kalluunka ee Saylac.

Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa ayaa kulan la qaatay maamulka iyo masuuliyiinta Dawladda hoose ee Degmada Saylac, halkaasi oo lagaga dhegaystay warbixin ku saabsan hanaanka ay u maamuleen mashaariicda maamul daadejinta ee JPLG, iyadoo masuuliyiinta dawladda hoose ee Saylac ay Madaxweyne ku xigeenka siiyeen Warbixin waafi ah.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maayirka iyo golaha Deegaanka ee Saylac uga mahadceliyey waxqabadka balaadhan ee ay ka fuliyeen Degmooyinka hoos yimaada Degmada Saylac, waxaana uu ku amaanay masuuliyada xilkasnimada leh ay u maamuleen maamul daadejinta.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay gunaanadkii ayaa yidhi “Waxaa maanta farxad aad u weyn ii ah Degmadii Saylac ee Gobolka Salel oo ahayd degmadii u danbaysay ee laga fuliyo mashruuca JPLG oo sida ka muuqata runtii aad iyo aad u fahantay tababarkii yo mashruucii qiimihii uu lahaa runtii aad u muuqato aad iyo aad baan ugu faraxsanaay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Madaxweyne ku xigeenku waxa uu yidhi “Annigoo Degmada kolna magaceeda aan sito kolna iskuulka aan ka galay Taariikho kale oo fara badana ay ii leedahay ilaa maalintii kala guurku dhacay ee dhulka lagu kala yaacayey halkan baan joogay maalintaana, waxaan aad iyo aad runtii u hambalyeynayaa maamulka dawladda hoose”.

Dhanka kalena Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in mashuurca JPLG dhawaan laga soo saari doono warbixin rasmi ah isla-markaana la hor geyn doono Golaha Wasiirada “Annaguna marka aanu hadda dhamayno kormeerka insha allaah bishaa Jeeniwari (January) waxaanu soo saari doonaa warbixinta rasmiga ah Siddeedii degmo ee JPLG-gu mid waliba halka uu marayey iyo waxa uu ku fiican yahay sida layskaga daydo oo kuwa hoose ugu daydaan kuwa sare, waxaana la gaadhsiin doonaa ilaa heer Golaha Wasiirada la geeyo isbedelada uu ka qabtay Dawladdaha hoose”.

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada

Wa bilaahi Tawfiiq.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews