berberatoday.com
Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Sedex Arday Oo Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhacay Deegaano Katirsan Gobolka Badhan.
December 30, 2019 - Written by Berbera Today

Badhan(Berberatoday.com)–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa ka hadlay saddex Arday oo uu sheegay in lagu dhaawacay deegaanka Middi-gale oo ka tirsan Gobolka Badhan.

Wasiirka oo Maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhallinyarada Ardayda ah oo midkood dhaawaciisu culus yahay ay dhaawaceen Dad aan Somaliland ah.

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale inay Maamulka Badhan amreen in Saddexda Arday loo qaado Cisbitaallada Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo hadba kii Xaaladdooda Caafimaad lagula tacaali karo.

Wasiir Toorno oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa Maanta deegaanka Midi-gale oo ku yaalla bariga Gobolka Badhan ku yaalla lagu dhaawacay Saddex Arday oo aan waxba gaysan, kuwaasi oo dareenkooda muujinayey, waxaana dhaawacay Dad aan Somaliland ahayn.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu amarnay Maamulka Gobolka Badhan iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolkaa in la soo qaado saddexda Arday oo midkood qabo dhaawac halis ah oo la geeyo Cisbitaalka ugu dhow, hadduu yahay Cisbitaalka Ceerigaabo ama Ka Burco ama ka Hargeysa, haddii dibed loo qaadayana aanu ku dedaallo..” ayuu yidhi.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Toorno si cad uma sheegin Cidda dhaawacday Ardayda, waxa dhaawacooda loo adeegsaday iyo sababta keentay midna, laakiin Ardayda ayaa la dhaawacay xilli ay ku sugnaayeen Dugsigooda.

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews