Ururka Al-Shabaab Oo Sheegtay Mas,uuliyada Weerarkii Lagu Hoobtay Ex Koontarool
December 31, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas,uuliyada qaraxii dadka badan ay ku dhamaadeen ee ka dhacay Ex koontarool Afgooye.
Cod soconayay 20 daqiiqo oo laga baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa kooxda ku sheegatay in weerarka ay ka Danbeysay.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa ciidamada Turkiga.