Wadamada Faransiiska Iyo Masar Oo Ka Hadlay Ciidanka Turkiga Udaabulayo Dalka Liibiya
December 31, 2019 - Written by Berbera Today
Tripoli(Berberatoday.com)-Hogaamiyeyaasha Faransiiska iyo Masar oo taageero u ah Janaraalka Mucaaradka ah ee ku sugan Bariga Liibiya ayaa ku baaqay in laga dheeraado waxwaliba oo keeni kara dagaal sokeeye lagana shaqeeyo Xasiloonida Liibiya.
Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha Faransiiska Mr Emmanuel Macron Isniinta maanta ayaa looga digay dhibaatada ay keeni karto ciidanka Turkiga ee loo daabulayo caasimada Tripoli.