berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Sidii Ay Xukumada Somaliland Ula Wareegtay Jabhaddii Caarre Iyo Tiknikadoodii
January 4, 2020 - Written by Berbera Today

Tabco(Berberatoday.com)-Dowladda Somaliland, ayaa si rasmi ah Jimcihii maanta ula wareegtay inta badan Jabhaddii hubaysnayd Dulmi-diid la baxday oo uu hoggaaminayey Kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caarre), oo isagu Khamiistii Guddiga Odayaal ah oo dhexdhexaadin bilo badan qaadatay ka dhex-waday Jabhadda iyo Dawladda uu Caarre ku wareejiyey.

Ciidanka hubaysan ee uu Caarre oo hore Ciidanka Millateriga Somaliland uga goostay 2018-kii, shalay wareejiyey, ayuu ku sheegay illaa 800 siddeed Boqol oo Askari iyo illaa Boqol Gaadhi oo Tikniko ah oo goobo kala duwan oo Xeebta iyo Buuralayda gobolka Sanaag ku kala sugnaa.

Hase-yeeshee, Xubnaha Guddiga dhex-dhexaadinta ku guulaystay, ayaa iyaguna maanta kulan ay ku qabteen Buurta Tabco ee gobolka Sanaag waxay Saraakiil Ciidammada Millateriga Somaliland ka socda iyo Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed-Tiimbaro rasmi ugu wareejiyey Jabhaddaas, Hubkooda iyo Tiknikadoodaba, waxaana kulankaas ka qaybgalay Masuuliyiin dowladda ka socda, Xubnaha Guddiga iyo Xubno kale.

Haddaba, Sida ay Dowladdu ula wareegtay Gaadiidka Saadka, Hubka, Tiknikada iyo Askarta Jabhaddaas iyo hadallada kala duwan ee Halkaas ay Masuuliyiinta dowladda, Saraakiisha Ciidanka, Odayaasha Guddigii dhex-dhexaadinta iyo Xubno Jabhadda ka tirsani ka jeediyeen iyo sida loo soo dhaweeyey Jabhaddaa hore loo odhan jiray Dulmi-diid-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews