Bilowga Mashaariicda JPLG-da Ee Sannadka Cusub Oo Maanta Lagu Kala Saxeexday Qasriga Madaxtooyada Somaliland
January 6, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland waxa maanta lagu kala saxeexday heshiiska mashaariicda maamul-daadejinta JPLG-da ee waxbarashada iyo caafimaadka ugu jira degmooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley, Burco iyo Saylac oo sannadkan kusoo biirtay.

