Mareykanka Oo Shaaciyay Tirada Askarta Lagaga Dilay Weerar Ay Al shabaab Ku Qaaday Xerada Ay Ku Leeyihiin Kenya.
January 6, 2020 - Written by Berbera Today
Lamu(Berberatoday.com)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in saddex qof oo Mareykan ah lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in saddexda qof ee la dilay u ay ka kooban yihiin hal askari iyo laba qandaraasle, oo laa shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga.
Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay laba askari oo kale oo Mareykan ah, oo xaaladdooda ay hadda wanaagsantahay, sida lagu sheegay bayaanka AFRICOM.