berberatoday.com
Mikel Arteta Oo Carabka Ku Adkeeyay Muhiimada Uu Uleeyahay Koobka FA Cup Kooxdiisa Arsenal
January 6, 2020 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Tababaraha da’ada yar kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada uu u leeyahay koobka FA Cup-ka naadiga Gunners, kahor kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Leeds United.

Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup-ka laba jeer inta uu xirnaa Mikel Arteta maaliyada Gunners, waana sannadihii 2014 iyo 2015, sidaas darteed wuxuu fahamsan yahay qiimaha uu tartankan u leeyahay taageerayaasha garoonka Emirates.

37-sano jirkaan ayaa wuxuu dhawaan ku hogaamiyay kooxdiisa Gunners in guul muhiim ah ay ka gaarto Manchester United kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League, wuxuuna doonayaa in guusha ay halkooda ka sii wadaan isla markaana ay ka gudbaan kulanka caawa ay la ciyaari doonaan Leeds United.

Haddaba Mikel Arteta ayaa kahor ciyaarta caawa wuxuu la wadaagay warbaahinta:

“Guushu waxay keeneysaa isku duubni, markaad ku nooshahay khibrado qurxoon oo wadajir ah, isla markaana aad ku guuleysato koobab, khibradahaas waxay ku nagaanayaan kooxda dhexdeeda”.

“Markii aan halkaan imid (ciyaartoy ahaan), waxaan si cad xilligaas isugu dayi jirnay inaan u dagaalano horyaalka Premier League, laakiin runtii ma aanan heysan tayo ku filan ee aan sanad kasta sidaas ku sameyn karnay”.

“Sidaas darteed, tartamada sida FA Cup-ka waxay noqdaan kuwa aad muhiim u ah, kooxdan taariikh weyn ayey ku leedahay arrintaas, anaga ahaan koobkii ugu horeeyay FA Cup ee aan kula guuleysanay kooxdan, waxaan ku dareenay xasillooni weyn, wuxuuna abuuray kalsooni wanaagsan iyo midnimo kooxda dhexdeeda ah”.

Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews