Puntland: Odayaal Maxkamaddii Xukunno Kala Duwan Ku Ridday
January 6, 2020 - Written by Berbera Today
Puntland(Berberatoday.com)-Maxkamad kutaala magaalada Bosaso ee Puntland ayaa xukunno kala duwan ku riday odayaal iyo siyaasiyiin lagu eedeeyay inay abaabul iyo qalqal galin amni ka wadeen magaalada Bosaso.
Maxkamada ayaa laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1000 ku riday Cabdicasiis Bayadhabo iyo Maxamuud Aadan Rooble, kadib markii lagu helay dambiyadii lagusoo eedeeyay.
