Arsenal Oo Emirates Ku Dubatay Leeds United Iskanna Xaadirisay Wareegyada Udanbeeya Ee FA Cup-ka
January 7, 2020 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega afaraad ee koobka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku khaarjiyeen kooxda Leeds United oo marti ku aheyd Emirates Stadium
Gool uu qeybtii labaad dhaliyay Nelson ayay Arsenal uga talaabsatay kooxda heerka labaad, waxayna wareega afraad isku arki doonaan Bournemouth oo marti loo noqon doono.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa iska heysatay kooxda heerka labaad ee Leeds United kuwaasoo u ciyaaray sida koox Premier League ah, waxaa si gaar ah wacdarro u dhigayay Patrick Bamford iyo Jack Harrison.