Dawladda Dawlada Xamar Oo Markii Ugu Horaysay Billaabeysa Sahmin Shidaal
January 7, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyey Sharciga Batroolka dalka oo muhiim u ah Soomaaliya, si ay usoo saarato kheyraadka shidaalka ee la rumeysan yahay inuu dalka ku jiro.
Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale hore u ansixiyey Golaha Shacabka, 20-kii May 2019, wuxuuna hadda u baahan yahay kaliya saxeexa madaxweyne Farmaajo, si uu u dhaqan galo.