Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Oo Daboolka Ka Qaaday Qorshe Cusub Degmooyinka Dalka Qaar Lagu Horumarinayo
January 9, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay sannadka ay ka bilaabayso mashruuca horumarineed ee JPLG-ga loo yaqaano degmooyinka Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caynaba.
Xukuumadda ayaa iyadu keligeed maalgelinaysa barnaamijka saddexdan degmo oo lama kaashanayso hay’addihii hore qaybta uga ahaa barnaamijkan.
Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, ayaa shaaciyay warkan.
Dhawaan ayaa baraha bulshada si weyn loogu canbaareeyay in degmooyinkaasi ka maqnaadaan barnaamijka horumarinta dawladaha Hoose iyo adeegooda ee JPLG.