berberatoday.com
Atletico Madrid Oo Ubaxday Finalka Spanish Super Cup Kaddib Markii Guul Cajiib Ah Ka Gaadhay Barcelona
January 10, 2020 - Written by Berbera Today

Spain(Berberatoday.com)-Atletico Madrid ayaa guul cajiib ah kaga gaartay kooxda Barcelona kulanka wareega afar dhamaadka ee koobka Spanish Super Cup, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-3, waxay kulanka finalka balan kaga sameysteen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 46-aad kooxda Atletico Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Koke, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Angel Correa.

Laakiin daqiiqadii 51-aad kooxda Barcelona ayaa heshay goolka barbaraha, waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Lionel Messi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luis Suarez.

Daqiiqadii 62-aad Barcelona ayaa markeeda hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay Antoine Griezmann.

Daqiiqadii 81-aad kooxda Atletico Madrid ayaa heshay rigoore ama gool ku laad waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata.

Laakiin daqiiqadii 86-aad ayeey sheeko isbadeshay kaddib markii ay kooxda Atletico Madrid markale la wareegtay hoggaaminta ciyaarta waxaana 2-3 Angel Correa, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Alvaro Morata.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-3 ay ku adkaatay Atletico Madrid, wiilasha tababare Diego Simeone ayaa waxay sidaas balan kaga sameysteen kooxda Real Madrid finalka koobka Spanish Super Cup oo ay wada ciyaari doonaan Axada soo socota.

SAWIRRO:

Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews