berberatoday.com
Akhriso Taariikh Hogaamineed Ee 50 Sano Ah Ee Suldaan Qaabuus Bin Saciil Al-Abu Saciid Iyo Siduu Kuyimi Ninka Bedelayaa
January 11, 2020 - Written by Berbera Today
Muscat(Berberatoday.com)-Waxaa xalay geeriyoodey Suldaankii dalka Cuman Suldaan Qaabuus Bin Saciil Al-Abu Saciid da’diisuna ahay 79 jir, waxaana isla saaka lagu dhawaaqay ninka badelay oo inaadeerkii ah oo lagu magacaabo Haytham Bin Daariq oo 65 jir ah, sababtoo ah Suldaan Qaabuus ma dhalin wax caruur ah.
Suldaan Qaabuus wuxuu xilka qabtay isaga oo 29 jir ah sanadkii 1970 , wuxuuna xukunka kala wareegay aabihii oo ahaa nin aad u xidhxidhan, wuuna iska leexiyey qaab inqilaab oo kale, dalka oo ahaa dal aad u danbeeya, dhaqaalaha shiidaalka ka soo galana aan ka faa’iideysan siyaasadihii uu aabihii adeegsan jiray awgeed, waxaana la sheegaa in dalka Cuman oo dhan sanadkii 1970 uu lahaa hal dugsi oo sare. Suldaan Qaabuus wuxuu dalkii ka dhigay mid horumarsan, Cumaana waxay noqotay dawlad casriya 50kii sano ee uu ka talinayey.
Wuxuu noqday Suldaan Qaabuus nin raaca siyaasad dhexdhexaadnimo ku salaysan kolkii uu arkay baahida dalkiisu u qabo dhammaan dalalka ku hareeraysan iyo dib u dhaca dadkiisu ku nool yihiin, mawjadihii siyaasadeed ee ku yimi intuu xilka hayey wuxuu uga dabaashay si xikmadeysan oo danta dalkiisa iyo daskiisu ku jirto.
Sanadkii 1978kii dalalka Carbeed waxay xidhiidhka u jareen Masar ka dib markii ay Isra’il la hashiiyeen, isagu wuu diiday Masar in uu xidhiidhka u jaro, wuxuuna sheegay in dalkiisu aanu ka maarmin Masar oo macalimiin uu ka helo cid kale oo kaalintaas u buuxin kartaana aysan jirin , uuna doonayo bulsho dal dhan in uu jahliga ka saaro.
Isbadeladda dalka Yaman wuxuu iska taagaa dhexdhexaad, waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay Carabta iyo Israa’iil wuxuuna dhawr jeer u kala dab qaaday Israa’iil iyo Falastiin isaga oo talaabooyin dhiiranaana qaaday, sanadkii 1994 wuxuu dalkiisa ku soo dhaweeyey Rw Israa’iil Isaxaaq Raabiin , 2019 wuxuu dalkiisa kula kulmay RWraha Israa’iil Natenyahuu.
Arrimaha kale ee uu saamaynta ku lahaa waxaa ka mid ah wadahadalka Maraykanka iyo Iiraan oo heshiiskii la saxeexay 2015kii lagu bilaabay si qarsoodiya dalka Cuman, Suldaan Qaabuusna lahaa isu soo dhaweynta.
Wuxuu xidhiidh dhaw la lahaa dhammaan dalalka muranka ba’an ka dhaxeeyo, sida Iiran , Israa’iil, Maraykanka,Sucuudiga , waxaanu Sucuudiga iyo Imaaraadka ka diiday sadex arrimood oo ay hadda dhex fadhiyaan,
Yaman in uu ciidan u diro, Qatar in la cuna qabateeyo iyo in Iiraan lala coloobo, Cuman iyo Iiraan waa labada dal ee marin Hormus gacanta ku haya waxaana Iiraan ka dhaxeeya heshiis saaxiibtinimo oo qoto dheer.
Cumaan dhawr jeer waxay si badheedh ah isu weerareen xagga warbaahinta dalka Imaaraadka oo ay ku eedeeyeen in ay arrimaha dalkooda soo fara galiyeen, waxaana dhawr sanadood ka hor tvga dalka Cumaan laga siidaayey war lagu sheegay in la qabqabtay basaasiin u shaqeeya dalka Imaaraadka , arrintaas oo markiiba Maxamed Bin Sayid soo dhex galay oo la dhameeyey, Cumaan waxay u aragtaa in Imaaraadku yahay Dhul iyaga ka tirsanaa oo Ingiriisku ka qaaday, xilligan markii Imaaraadku uu dhaqaale badan yeeshayna uu doonayo in uu taariikh cusub abuuro
Suldaan Qaabuus waxaa lagu tilmaamay nin dhinaca aqoonta iska dhisay, siyaasi dantii yaqaan ah, 2011kii mar shacabkiisu ku kacay oo ay saamayn ku yeelatay kacdoonadii Carabta markiiba dhulkuu isdhigay wuxuuna abuuray 50kun oo shaqo.

Ninka badelay ee inaadeerkii ahi wuxuu ka mid ahaa raggii ugu dhawaa Suldaan Qaabuus, Saldaan Qaabuus waxa uu xanuunka Kansarku kaga dhacay mindhicirada caloosha sanadkii 2014kii, ilaa xilligaa wuxuu la tacaaayey siduu isu daweyn lahaa, hasa yeeshee safar uu bishii hore kaga soo noqday dalka Beljamka wuxuu garowsaday in aanu xanuunkan ka kacayn wuxuuna qoray warqad dardaaran ah oo uu sheegay in la furo marka uu geeriyoodo isaga oo sii doortay dadka hortooda lagu furi doono, xalay markii uu geeriyoodey waxaa kulan degdeg ah isugu yimi dhammaan madaxda dalka waxaana lagu horfuray warqadii uu qoray Suldaan Qaabuus waxaana loogu tagay magaca ninka saaka loo cimaamaday Saldana Cuman, Suldan Haytham Bin Daariq.
Waxaa la filayaa in uu qaado wadadii Suldaan Qaabuus ee ay Cumaan mawjadaha ku hareeraysan kaga badbaaday.
Berberatoday.com
COMMENTS
|