Madaxweyne Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Caawa Yeelanaya Kulan Fool-Ka-Fool Ah
January 11, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa la filayaa inay caawa yeeshaan kulan fool-ka-fool ah ka dib kala fogaansho soo kala dhex galay. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.
Kulankan ayaa sida ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika waxa ka soo shaqeeyay siyaasiyiin iyo odayaal is xilqaamay oo dejiyay dareen ka dhashay dacwad ka dhan ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maxkamadda loo gudbiyay. Odayaasha ayaa toddobaadkii hore waxay yeesheen kulan ay kaga arrinsadeen dareenada ka dhashay dacwadaas oo sababi gaadhay xiisad, waxaanay wada jir uga hawlgaleen in xaaladda la dejiyo lana joojiyo dacwada oo ay qoyska Madaxweyne Biixi wadeen ka dib markii uu guddoomiye Faysal u jeediyay eeddo kala duwan.