“Kol Haddaynaan Ka Xishoonayn Xataa Buqcad Yar Oo Caruurtu Wax Ku Baranayso,Dawladiina Iyaduba Boobka Kow Ka Tahay”Abwaan Weedhsame.
January 12, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Xasan Daahir Ismaacil (Weedhsame) oo kamid hal abuurka reer Somaliland iyo bahda macalimiinta dalka ayaa ka hadlay dhisme laga hirgaliyay dayr iskuulka sheikh bashiir oo markii hore loo haysay in masaajid lagu kordhinayo balse hada laga dhigay meherado ganacsi.
