berberatoday.com
Liverpool Oo Xasuuq Jid-gooyo Ah Ku Samaysay Dhigeedda Tottenham
January 12, 2020 - Written by Berbera Today

Liverpool(Berberatoday.com)-Liverpool ayaa rikoodh aan hore looga dhigin Yurub loo diiwaangeliyay ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda Tottenham oo marti loo ahaa, iyagoo 16 dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka horyaalka Premier League oo durbaba gacantooda bidix ku jira.

Liverpool ayaa taariikh abuurtay waxay noqdeen kooxdii ugu horeysay taariikhda ee 61 dhibcood hesha 21ka kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedka ee shanta horyaalka ee ugu waa weyn Yurub.

Laba daqiiqo ayay ku qaadatay in Liverpool ay fursad dahabi ah hesho markii ay koorno ay soo tuurtay Tottenham ay iska bixiyeen islamarkaana ay kubad rogaalcelis degdeg ah qaadeen. Firmino ayaa goolka loo fasaxay laakiin da’ yarka difaaca Spurs Tanganga oo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ciyaara ayaa ka difaacday kubada.

Kubadii soo laabatay waxaa helay Oxlade-Chamberlain kaasoo darbadiisa ay ku dhacday birta goolka iyadoo ay kubada ku sii dhacday Tanganga oo nasiib ku lahaa inuusan gool iska dhalinin ka hor inta aannu goolhaye Gazzaniga kubada qabsan.

Daqiiqadii 22aad ayay ku dhawaatay Liverpool inay hesho goolkeedii koowaad markii koorno ay soo qaadeen uu xerada ganaaxa ku dhex nooleeyay Mohamed Salah oo kubada u reebay Henderson kaasoo isna karoos gaaban u qaaday Van Dijk oo birta agtaagnaa, kubadii uu madaxa la helay Van Dijk oo gool loo fishay waxaa si fantastis ah u soo bixiyay goolhaye Gazzaniga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews