Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi Oo Deganka Gambadhe Ee G.sool Ka Dhagax Dhigay Dhismaha Deked Qalalan Dry Port
January 14, 2020 - Written by Berbera Today
Gambadha(Berberatoday.com)-Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi Ayaa Deganka Gambadhe Ee G.sool Ka Dhagax Dhigay deked qalalan Dry Port oo la dhigi doono badeecadaha kala duwan ee kasoo daga Dekedaha Somaliland ee usiin gudbiya Dalalka Putland Iyo Somaliya.
Waxaana dhagax dhigay Dekeda Qalalan Maareyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi Ku wehelinaayay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamed Jiidhe, xubno katirsan gudida Ganacsiga Xorta ah ee Dekeda Berbera iyo Engneerka Guud ee Dekeda Somaliland Dr Cabdiraxmaan.