berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Saaka Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Maxbuus Oo Hore Loogu Xukumay Qisaas
January 15, 2020 - Written by Berbera Today

Madheera(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa saaka dil-toogasho ah ku fulisay lix nin oo horey ugu xukunsanaa dilal dad qudha kaga jareen siyaabo kala duwan oo Maxkamado hortooda kaga cadaatay halka qaarkoodna qiraal ahaayeen oo laga arkay baraha Bulshada iyaga oo codsanaya in magta laga bixiyo iyaga oo mudo Xidhan.

Toogashada ayaa saaka abaara 8:00Am ka dhacday jeelka wayn ee Mandheera iyada oo la sheegay inay goob joog ahaayeen ehelada dadka qisaasta loo samaynayay waxa kaloo goob jooga ahaa haayadaha dawlada ee sharciyan ay tahay inay goob joog ka ahaadaan dilalka qisaasta ah sida Wasaarada Cadaalada, Wasaarada arimaha Gudaha, Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta iyo ciidamada kala duwan ee dilka qisaasta ah fulinaya.

Magacyada ragga la toogtay iyo magaalooyinka ay ka soo jeedaan:

1- Farxaan Maxamed Xasan ( Buuhoodle )
2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd ( Burco)
3- Axmed-Guray Ibraahin Faarax ( Burco)
4-Khadar Aleel ( Gabiley )
5- Xasan Muxumed Cismaan ( Hargeysa )
6- Caydaruus Khadar Haybe ( Hargeysa )

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews