Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Gaadhi Laga Soo Dhacay Dawlad Deegaanka Soomaalida
January 18, 2020 - Written by Berbera Today
Baligubadle(Berberatoday.com)-Ciidamada bileyska Somaliland ee gobolka Hawd ayaa gacanta ku dhigay gaadhi weyn oo siday laba taangi oo nooca biyaha ah.
Taangiyadan oo ay sheegeen ciidanka Booliska gobolka Hawd in ay soo xadeen niman dhalinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka Hawd, kuwaas oo taangiyadaasi biyaha kala soo talaabay dhinaca Dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Hawd ayaa ku wareejiyey Taliyaha ciidamada Bileyska ee degmada Xarshin ee dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo agabkii saarnaaba, waxaanu ka waramay Taliyaha Ciidamada Bileyska gobolka Hawd sida ay u qabteen gaadhigaasi iyo agabka saaran ee la soo dhacayba.