berberatoday.com
Madaxweyne Donald Trump Oo U Yeedhtay Raggii Dacwadda Ku Oogay Clinton
January 20, 2020 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Waxay u egtahay in hardanka ka dhaxeeya qoyska reer Clinton iyo madaxweynaha hadda xilka haya ee Maraykanka Donald Trump uusan dhamaad lahayn, maalin kastana uu yeelano weji hor leh.

Inkasta oo arrintan toos loola xiriirin karin is-haysadka labada dhinac, haddane waxa ay warbaahinta adduunka aad u hadal haysaa in Donald Trump garyaqaanada uu u macaabay in ay ka difaacaan dacwadaha loo haysto uu ka midyahay ninkii dacwadda kusoo oogay madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton xiligii loo haystay fadeexaddii gogol-dhaafka horaantii sagaashameeyadii.

Nin oo kaliya ma ahan, waa labo nin, oo labaduba ahaa kuwii baarayay, dacwadana kusoo oogey madaxweyne Bill Clinton.

Ragga uu Trump soo xushay ayay magacyadooda kala yihiin Ken Starr iyo Robert Ray , kuwaas oo ka mid noqonaya koox abukaatayaal ah oo sir iyo caadba u difaaci doona Donald Trump marka ay bilaabato dhagaysiga dacwadda Aqalka Sare.

Mr Starr ayaa ahaa ninkii ay wasaaradda caddaalada u magacoowday in uu soo baaro fadeexad ka dhacday gobolka Arkansas, kadibna wuxuu heley caddeymo aan baaritaanka quseynin oo ah in Mr Clinton uu gogol-dhaaf la samaynayay gabadh ka shaqaynaysay Aqalka Cad, Monica Lewinsky.
Trump oo sheegay in la joojiyay heshiiskii nabadda ee Taalibaan lalagalay
Taas ayaa horseedday in Clinton uu codka kalsoonida kala laabto Aqalka Congress-ka, arrintaas oo balse uu laalay Aqalka Sare.

Kooxda garyaqaanada Trump ayaa waxaa kale oo ka mid ah rag kale oo horey u matelay dad fadeexado waaweyn oo maaliyadeed lagu haystay.

Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa codka kalsoonida kala laabtay madaxweyne Trump bishii hore, iyaga oo u cuskaday qodobo ay ka mid yihiin ku takri fal awoodeed iyo baalmarista congress-ka.

Trump ayaa beeniyay eedeymaha loo haysto, iyada oo hadda Aqalka Sare uu isu diyaarinayo in uu dhagaysto dacwadda Trump.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews