Djibouti Oo Xadhig Intenet Soo Marinaysa Berbera Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo
January 21, 2020 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dalka Jabuuti ayaa soo dhawayn u sameeyay xadhiga badda hoosteeda mara ee Internet-ka kaas oo loogu talo galay in ay Jabuuti gaadhsiiso dalalka qaarada Afrika, waxaana la sheegay inuu xadhigani mari doono Berber, iyadoon la ogayn in dawladda Somaliland ay sharciyad siisay xadhigan DARE lagu magacaabo, waxaana kulankan lagu soo dhawaynaayay xadhiga ka qaybgalay shirkado ka kala socday dalal kala duwan, Somaliland waxa ka socotay shirkada Somtel, Somaliya oo ay ka socotay shirkada Telcom iyo dalka Kiiniya oo ay ka socotay isagana shirkad isgaadhsiineed.