berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cusbitaalka Ku Booqday Madaxweyne Ku Xigeenkii U Horeeyey Ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac+Daawo Sawirada
January 21, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska, ayaa wakhti kooban la qaatay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaaladdiisa caafimaad haatan fiican tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey mujaahidka, waxana uu ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhegaystay Dhakhtarka xaaladdiisa gacanta ku haya.

Image may contain: 1 person, standing

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey, ayaa Eebbe uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo mujaahidka oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu isla Cusbitaalka Gargaar ku booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow oo katirsan ciidanka qaranka, kana mid ahaa mujaahidiintii dalka usoo halgamay kaas oo xaalad caafimaad Cusbitaalka ugu jira.

Image may contain: 3 people

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews