Wargeys Shaaciyey Tirada Xildhibaanada Al-Shabaab Ku Leeyihiin Barlaamanka Cusub Ee Galmudug
January 22, 2020 - Written by Berbera Today
Dhuusamareeb(Berberatoday.com)-Xarakada Al-Shabab oo la sheegay in 18 Xildhibaan ay ku leeyihiin Xildhibaannada cusub ee Galmudug sida lagu daabacay Wargeyska Horn Observer.
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee 89 ka kooban ayaa la sheegay in 18 Xildhibaan oo ka mid ah ay Al-Shabaab soo saareen sidaasna ay saameeyn ugu leeyihiin doorashada Galmudug.
18 ka Xildhibaan ee cusub ayaa wargeysku sheegay in Taageero iyo xidhiidhba ay la leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab
Wargeysku waxa uu sheegay in Xildhibaannada 18ka ah, ay soo bixitaankooda qeyb ka qaateen Al-Shabaab sida uu ila xog ogaal ah kasoo xigtay.