Gudida Horumarinta Hoodaale Oo Gudoomiye Cusub Doortay.
January 24, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)–Hogaankan Cusub ee Loo Doortay Gudida Horumarinta Hoodaale oo noqonaya Gudoomiyihii labaad ee Hadda Hogaamiya mudadii uu jiray ururkan hoodaale ayaa Maanta si rasmiya loo doortay loogu wareejiyey xilka Gudoomiyenimo ee Gudida hoodaale.
Inta La ogyahay gudidan Hoodaale Ayaa Ka Shaqeysa una midoobay Wax u qabashada Bulshada deegaanada Ay ku abtirsato iyadoo mudadii ay jireen waxyaabo badan qabtay caawin qoysaska Danyarta ah oo ay taageeraan dhnaca waxbarshada
sidoo kale Gudida hoodaale ayaa ceel biyooda ka hirgaliyay deegaanada qaarka kuwaasi oo baahi wayn loo qabay ,