Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici Oo Ka Qeyb-galay Aaska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Casood Oo Ka Mid Ahaa Golaha Wakiilada!
January 24, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ,xildhibaanada golaha wakiilada iyo wasiiro ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi kaahin Casood oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo ku geeriyooday magaalada hargaysa maantana lagu aasay.
