Diyaarad Shaah Awgii u Fadhiisatay Magaalo aanay ku Socon iyo Yaabkii Rakaabka!
January 26, 2020 - Written by Berbera Today
Manchester(Berberatoday.com)-Xaalad layaab leh oo noqonaysa middii ugu horreysay ee taariikhda diyaaradaha, ayaa qabsatay diyaaradda Shirkadda Jet 2 oo ku socotay Spain.
Warbaahinta dalka Ingiriiska, ayaa ku warrantay in diyaaradda Jet 2 oo ka duushay Glasgow inay si degdeg ah ugu degtay magaalada Manchester, ka dib markii la oggaaday inaanay saarneyn Biyo ku filan oo rakaabka loogu diyaarin karo Qaxwe iyo Shaah.