Xukumada Somaliland Oo Digniin Culus Kasoo Saaray Virus Corona Ee Dalka Shiinaha Ka Dilaacay
January 27, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Xanuun ka dilaacay Dalka Shiinaha, kaasi oo illaa hadda sababay Geerida tobanaan Qof, isla-markaana ay Cisbitaallada u jiifaan Boqollaal kale Dalkaasi.
Xanuunkan Corona Virus oo ah Caabuq ku dhaca Neef-mareenka Bani-aadamka ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeedisay Shacabka Somaliland inay ka feejignaadaan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri oo Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan Meelaha Dalka laga soo galo, sida Garoomada diyaaradaha ay dhigeen dhakhaatiir baadhitaan ku sameeya Dadka ka soo degaya, si looga digtoonaado Xanuunka aadka u fidaya ee Shiinaha ka dillaacay.