Maraykanka Oo Soo Saaray Sharci Uu Ku Xakamaynayo Dalxiiska Dhalmada Iyo Dalal Hore U Mamnuucay
January 28, 2020 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Dawladda Maraykanka soo rogtay sharci cusub oo xakamaynaya waxa loo yaqaanno ‘Dalxiiska dhalmada’ oo ah in hooyooyin uur lihi marka uu sidkoodu dhowyahay ay dalxiis ama ujeedo kale oo sharci ah ku tagaan Maraykanka, si joogitaankoodu uu ugu beegmo dhalmadooda. Taas oo ah xeelad ay doonayaan in ilmaha ay dhalayaan uu helo jinsiyadda Maraykanka.
Qodobka 14 ee dastuurka dalka Maraykanka ayaa dhigaya in ilme kasta oo dhulka Maraykanka ku dhashaa uu si toos ah u helayo jinsiyadda Maraykanka, xitaa haddii labadiisa waalid aanu midkoodna Maraykan ahayn. Arrintaas ayaa la aaminsanyahay in ay sabab u tahay in dumar badan oo xilligii dhalmadoodu dhowyahay ay dalka Maraykanka soo galaan, si ay ay ilmahooda uga faa’iideeyaan qodobkaas. Sida uu ku warramayo wargeyska Financial Times oo ka soo baxa dalka Maraykanka, tirokoobyo ay hay’ado madaxbannaan sameeyeen ayaa sheegaya in sannad kasta qiyaas 30 kun oo carruur ahi ay habkan ugu dhashaan dalka Maraykanka. Laakiin xukuumadda Maraykanka ayaa u aragta in arrintaas ay ku hayso culays dhaqaale oo gaadhaya ilme kasta 100 kun oo doolar.